Qaar ka mid ah Musharaxiinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu waddaa in ay Khudbad u jeediyaan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa maanta bilaabi doona in ay dhageystaan Khudbad jeedinta Musharaxiinta xilli Muqdisho uu ku xiran yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ahaa Musharaxiinta diwaangashan.
Waxaa lagu waddaa doorashadda maamulka Koonfur Galbeed in ay dhacdo 19-ka Bishaan.
Magaalada Baydhabo oo doorashada lagu qaban doono ayaa Wali ka taagantahay xiisad siyaasadeed iyo bananbaxayaal rabsahada wata oo ka dhashahay xarigii musharax Rooboow oo isaga oo maxbuus ah Muqdisho laga soo dejiyay.