Khilaafka Soomaalida iyo Oromada oo Baarlamaanka Itoobiya saameeyay

Itoobiya-RisaalaFM- Xildhibaannada ka soo jeeda Amxaarada iyo Oromada ayaa qaadacay kullanka baarlamaanka Itoobiya iyagoo ka careysan rabshadaha u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Waxay sheegayaan in aysan jirin sabab uu baarlamaanka u kulmo illaa Ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn uu ka bixinayo sharaxaad ku saabsan qalalaasaha u dheexeeya qowmiyadaha ee dalka ka taagan.

Amxaarada iyo Oromada waxay muddo ka dibadbaxayeen waxa ay ku tilmaameen faquuqa siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee ay sheegeen in si gaar ah iyaga loogu hayo.

Sidoo kale, muddo bilo ah waxaa socdo dagaal dad badan ay ku dhinteen oo u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada.

Isbuucii la soo dhaafay, ugu yaraan 60 qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay gobolka Oromada.

Arbacadii, xisbiga talada Itoobiya haya ayaa golihiisa fulinta ku eedeeyay in ay daciifnimo ka haysato dhanka xallinta rabshadaha dalka taagan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga dalkaasi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah lagu laayay xero boolis dhexdeeda.

Sida wararka ay sheegayaan, waxaa halkaasi lagu dilay “in ka badan 100 qof”, balse Ra’iisul wasaaraha ma uusan sheegin tirade rasmiga ah ee la dilay. Laakiin Hailemariam Desalegn wuxuu carabka ku adkeeyay in dhibaato badan ay ka dhacday goobta.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baaraan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembiga uu ku caddaado.