Ehelada Gabar shalay ciidamada Dowladda ay ku dileen duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, kadib markii lagu eedeeyay gabadhaasi inay ka tirsaneyd Ururka Al Shabaab.
Malaaq Cali Aadan oo ka tirsan ehelada Gabadha la dilay, ayaa sheegay inay rabaan cadeymo ku aadan dilka gabadhaasi, oo lagu eedeeyay inay Shabaab aheyd.
Wuxuu sheegay gabadha la dilay inay aheyd Hooyo haysata hal cunug, si gardaro ahna loogala soo baxay gurigeeda, kadibna si bareer ah loo toogtay, falkaasina ay ka dambeeyeen ciidamada Dowladda.
“Gabadha haddii ay Shabaab aheyd cadeymaheeda waa in la keenaa oo la dhaho waa kuwan cadeymaha, aniga gabar Shabaab uma doodaayi, gabadhan Garoob ayeey aheyd hal wiil ayey haysatay Mooragaabey ayeey ka soo qaxday markii Shabaab ay qabsadeen xudurna Barakac ayeey ku aheyd.” Ayuu yiri Malaaqa.
Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool ayaa Idaacada VOA u sheegay in dabagalkii dhacdadaasi ay ku soo afjarantey in taliyaha ciidanka dowlada Federalka ee Gobolka Bakool uu sharci daro ku dilay gabadhaasi.
Taliyaha ciidamada Dowladda ee Gobolka Bakool Korneyl Cabdirxmaan Maxamed Cismaan Timacade, ayaa dhankiisa beeniyay eedeyntaasi, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay warka ka soo yeeray maamulka Degmada Xudur.


