Khasaaro ka dhashay qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho & Afgooye

Qaraxyo noocoodu uu kala duwan yahay ayaa maanta waxaa ay ka kala dhaceen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo degmgada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

laba qarax oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa ka dhacay Suuqa Ariga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho  iyo dhaawac.

Goobta ay qaraxyada ay ka dhaceen ayaa waxaa ku yaallay goobo ganacsi oo aad u waaweyn, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen ilaa 7 Ruux 14 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Nin Makiinada ku lahaa Suuqa Ariga degmada Afgooye, kaas oo lagu Magacaabo jiray Shiine, waxaana xilliga suuqa qaraxa uu ka dhacayay uu ahaa mid mashquul badan oo Maalinta Arbacadaha ah ay u dukaameysi tagaan dad ka tegay magaalada Muqdisho.

Waa markii labaad uu qarax ka dhaco Bishaan Gudaheeda Suuqa Ariga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo maamulka degmada uu ku uuldareysay xaqiijinta Amniga degmada.

Dhinaca kale qarax la sheegay in lagu diyaarinayay Gaari kujiray guri kuyaalla degmada Dharkeenleey ayaa maanta ka dhacay Xaafada Cali Gooleey ee degmadaas, kaas oo la sheegay in uu khasaaro kasoo gaaray dad ku sugnaa guriga iyo dad Shacab ah oo deganaa Guri ku dhow goobta uu qaraxa ka dhacay.

laamaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxyada maanta ka kala dhacay Magaalada muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.