Waxaa Maanta qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Guddoomiyihii Maamulka degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow.
Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Qorsheynta iyo dib u dhiska Magalada Marka Saalim Hasssan Buraale oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday Guddoomiyihii magaalada xilli uu ku sugnaa banaanka Xarunta maamulka.
Waxaa uu sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen Guddoomiyihii Maamulka degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow iyo qaar kamid ah ilaaladiisa, isla markaana qofka is qarxiyay uu ku dhegay Guddoomiyaha.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay inay khaarajiyeen gudoomiyihii magaalada Marka Cabdillaahi Cali Waafow.
Hoos ka dhageyso Wareysiga Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Magaalada Marka.



