Mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda Federaalka ah eeSoomaaliya iyo Maamulka koonfur Galbeed ayaa ka hadlay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Maanta lagu dilay Guddoomiyihii Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya ,Wasiir ku xigeenka,Wasiiru dowlaha , Agaasimaha guud iyo guud ahaan bahda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha unaxariistee Guddoomiyihii Degmada Marka iyo mas’uuliyinta kale ee ku geeriyoodeen qaraxii maanta ka dhacay Degmada Marka.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali ( Najax) ayaa sheegay in uu murgada la qeybsanayo Shacabka Degmada marka oo maanta ka baxay nin qiima badan Illaahey ha u naxriisto Gudomiye Waafow.



