Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qaraxa ka dhacay Darbiga Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow Maqaaxida The Village.
Qaraxan ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, waxaana lagu dhuftay Darbiga Maqaaxida The Village.
Maqaaxida The Village waxaa isugu yimaada Wariyeyaasha Magaalada Muqdisho, oo halkaasi ku kala war qaata.
Qaraxan ayaa la sheegay in uu ku dhintay ninkii is Qarxiyay, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay Saddex Qof oo kale, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka.
Sawiro laga soo qaaday goobta uu ka dhacay Qaraxa ayaa muujinaya bur bur xoogan oo soo gaaray Maqaaxida The Village ee Magaalada Muqdisho.



