DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Qarax khasare geystay ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay Agagaarka Darbiga Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxa uu ahaa mid ismiidaamin ah, waxaana loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay Qaraxan, waxaana uu mid si weyn looga maqlay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.