DEG DEG: Taliye ku xigeenka Booliska Puntland oo la dhaawacay

Boosaaso-RisaalaFM- Wararka inaga so gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow lagu dhaawacay Magaaladaasi Taliye ku xigeenka 3-aad Booliska Puntland.

Taliye ku xigeenka 3-aad ee Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa lagu magacaabaa Jaamac Saxardiid Cabdi, waxaana la sheegay in ay dhaawaceen kooxo hubeysan.

Dhaawaca Taliye ku xigeenka ayaa waxaa loo qaaday Isbitaal ku yaalla Magaalada Boosaaso, si halkaasi loogu dhabiibo.

Laamaha Amniga ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay dhaawaca Taliye ku xigeenka.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland weli kama aysan hadlin dhaawaca loo geystay Taliye ku xigeenka 3-aad ee Ciidanka Booliska Maamulka Puntland Jaamac Saxardiid Cabdi.