Khasaare ka dhashay Qaraxa ka dhacay Black-sea

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo ka dhacay xaafada Black-sea ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana lagu Aasay Agagaarka Geerishkii ay la wareegeen Ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, kadib markii Geerishkaasi lagu diyaariyay Qaraxii ka dhacay suuqa beerta.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 3 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4 Qof oo kale, oo uu ka mid yahay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda sida ay sheegeen saraakiisha Amaanka.

Sida caadada aheydba waxaa halkaasi gaaray Ciidanka Amaanka, waxaana ay xireen goobta uu Qaraxa ka dhacay iyo wadooyinka soo gala,iaygoo halkaasi ka sameeyay baaritaano ku aadan sida uu u dhacay Qaraxa.

Shabaab ayaa inta badan Qaraxyo iyo weeraro ka geysta fariisimaha Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.