DEG DEG: Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya xaafada Black-sea ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan ayaa la sheegay nuuciisa in uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, waxaana lagu aasay Agagaarka Geerishkii ay la wareegeen Ciidanka nabad sugidda oo ku yaalla xaafada Black-sea.

Inta la xaqiijiyay 1 Qof oo shacab ah ayaa ku geeryoodey Qaraxan, waxaana ku dhaawacantay 3 Qof oo kale, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.