Sh/Dhexe-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Buurane oo hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.
Qaraxan ayaa ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana la dhigay goob Maqaaxi ah, oo halkaasi ku taalla, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee Gobolkaasi.
Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay 3 Qof oo mid ka mid ah uu yahay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.
Dadkii ku dhaawacmay Qaraxan ayaa waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla Degmada Mahadaay, si halkaasi loogu dabiibo.
Ciidanka ammaanka oo gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay wadaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii ka dambeeyay falkan.


