Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada ee ka imaanaya Degaanada Soomaaliland, waxaana la doortay Hal kursi, maadaama kursigan uu ahaa midkii ugu dambeeyay ee Doorashada Golaha shacabka ee Soomaaliland.
Huda Axmed Cali oo heshay 45 cod ayaa ku guuleysatay kursigii ugu dambeeyay xildhibaanada Golaha shacabka ee ka imaanaya Degaanada Soomaaliland, kadib markii ay ka adkaatay Haweeneydii ay la tartameysay.
Guddiga Doorashooyinka Dalka iyo Guddiga Doorashada Soomaaliland ayaa sheegay in gabi ahaan la soo gaba gabeeyay Doorahsada Golaha shacabka ee ka imaanaya Degaanada Soomaaliland.
Haweeneydan lagu magacaabo Huda Axmed Cali oo la hadashay warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena ay wax badan qaban doonto.
Intan wixii ka dambeeya waxaa la guda geli doonaa waqtiga ay dhaceyso dib u Doorashada 5 kursi oo Guddiga Xaldinta Khilaafaadka ay sheegeen in ay ku soo baxeen qaab musuq ah, kuwaas oo lagu soo doortay Degaan Doorashooyinka Dalka.


