Qandala-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Qandala ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay ay ka dhacday Duqeyn xoogan.
Duqeyntan ayaa la sheegay in ay fuliyeen Diyaarado ay wateen Ciidamo Ajaanib ah, kuwaas oo beegsaday fariisin koox ka tirsan Daacish ay ku leeyihiin Degmada Qandala.
Ciidamadan watay Diyaaradaha Dagaalka ayaa waxa ay si toos ah u bartilaameedsadeen koox ka tirsan Daacish oo horfadhiyay Ciidanka Maamulka Puntland.
Duqeyntan aoo aheyd mid xoogan ayaa la sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah lagu gaarsiiyay kooxda Daacish, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.
Ilaa iyo hada Maamulka Puntland faah faahin rasmi ah kama aysan bixin Duqeynta xalay ka dhacday Degmada Qandala ee Gobolka Bari.


