Bari-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Buuraha Galgala oo ka tirsan gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland Qarax lagula eegtay halkaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu qabsaday gaari nuuciisu yahay Cabdi Bile oo ay saarnaayeen ciidamada maamulka Puntland.
Qaraxan ayaa khasaare lagu gaarsiiyay Ciidanka Maamulka Puntland, sida ay Risaala u sheegeen ilo wareedyo halkaasi ka akdhow.
War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhinaca kale Ciidamada Puntland ay ku sii siqayaan Magaalada Qandala oo bishii hore ay qabsadeen koox taanbacsan Daacish.
Dhowaan ayay aheyd markii sidan oo kale ciidamo ka tirsan maamulka Puntland Qarax lagula eegtay Buuraha Galgala, waxaana ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


