Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Dagaalka ayaa u dhexeyay Ciidamo beeleed oo khilaaf uu soo kala dhexgalay waxana uu ka dhacay Maraaga oo u dhow Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.
In ka badan 8 qoof ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka .
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku haayo gaari weyn oo uu qori saaran yahay oo lagu qabsaday dagaalkii dhexmaray Ciidanada Soomaaliland iyo kuwa SSC Khaatuma.
Xaalada ayaa weli kacsan waxaana la sheegaya in ciidanka dagaalamay ay yihiin kuwo gurmad ahaan ku tagay gobolka Sool Xilkigii uu socday dagaalkii u dhexeyay Ciidamada Soomaaliand iyo kuwa SSC khaatuma.
Isimada dhaqanka SSC khaatuma ayaa aaday goobta uu dagaal ka dhacay balse weli ma aysan ku guuleysan sida la sheegay in ay kala qaadan ciidanka dagaalamay.



