Jabhadda Oromada Itoobiya oo ka hortimid damaca Abiye Axmed ee Badda Soomaaliya

Jabhadda Xoraynta Oromada ee Itoobiya OLF ayaaka  hor timid damaca  Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiye  Axmed oo uu ku doonayo Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah oo uu ku marin habaabinayo shacabka Itoobiya.

War qoraal ah oo ay soo saartay Jabhadda Oromada  ayay ku sheegtay tallaadbada Abiye  Axmed inay tahay mid indhaha caalamka looga qarinayo xaaladda dhabta ah ee ka taagan dalka Itoobiya, taas oo ah mid qatar  wayn leh.

Sidoo kale Jabhadda xoreynta Oromada ee dalka Itoobiya ee loo soo gaabiyo  OLF ayaa sheegtay in ay si buuxda u ixtiraamayso madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.