Galgaduud-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo halkaasi wada dega, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay 5 Qof ayaa ku dhimatay Dagaalkan, waxaana ku dhaawacantay tiro kale, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Dagaalkana ayaa la sheegay in uu salka ku hayo aanooyin qabiil, waxaana weli jira cabsi fara badan oo ay dareemayaan Dadka Degaanka, maadaama weli ay is horfadhiyaan dhinacyadii dagaalamay.


