Khasaare ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sh/ Dhexe

Wararka  ka  imaanaya  gobolka  Shabeelada Dhexe ayaa sheegay in sadaal sababay Dhimasho iyo Dhaawac uu ka dhacay Dhul beereed ku yaala degaanka  Calaag oo la mid ah degaannada hoostaga degmada Ceelbaraf ee gobolka shabeelada Dhexe.

Dagaal ayaa u dhexeyay laba beelood waxaana uu geystay khasaare  kala duwan.

Inta la ogyahay 3 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah ayaa dagaal ku geeriyooday halka  kuwo kalena ay ku dhaawacmen.

Xiisada dagaalka ayaa weli ka taagan degaanka Calaag mana jirto Cid kala dhex gashay Beelaha dagaalamaya.