Jubland oo soo bandhigtay Ciidamo Cusub

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubaland ahna ku simaha Madaxwaynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa  maanta kormeer ku tagay dugsiga Tababarka Ciidamada daraawiishta Jubbaland ee xerada (Ma dhammaato).

Waxaa uu halkaas kula hadlay Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland ww loo diyaariyay la  dagaalanka Alshabaab .

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jublabd Maxamuud Sayid Aadan ayaa u sheegay Ciidamadan cusub inay qeyb ka yihiin dadaalka loogu jiro sidii Anmiga degaannada Jubland loo sugi lahaa kana qayb qaataan  la dagaalanka Alshabaab

Xerada Ma dhamaato ayaa  dhawaan waxaa banayeeyay  Ciidamo ka tirsan Hawlgalka ATMIS waxaana halkaas la wareegay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubland .