Khasaare horudhaca oo kasoo baxaya Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Qarax khasaare geystay ayaa goordhow ka dhacay Afaafta hore Maqaayada Bule Sky ee agagaarka Taalada Xaawo Taako  ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay Maqaayada Bule Sky , waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey 2 ruux ayaa ku dhimatay qaraxa 9 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay inta badan ay burburtay Maqaayada Bule Sky oo uu Qaraxu ka dhacay.

Wixi kusoo kordha kala Soco Risaala.net