Baydhabo-RisaalaFM- Macluumaad dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed.
Qaraxyadan oo laba ahaa ayaa midka koowaad wuxuu ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Bilan magaalada Baydhabo, kadib markii ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu halkaasi isku qarxiyay.
Illaa Todobo ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxaasi, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.
Sidoo kale qaraxa labaad oo ka dhacay maqaayada Beder ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku dhintay illaa Saddex ruux, waxaana tirada guud ee dhimashada qaraxyada ay gaarayaan illaa 10 ruux.
Qaraxa ka dhacay maqaayadan ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay nin nabadoon ahaa oo meesha fadhiyay iyo dad kale oo shacab ah.
Masuuliyiinta goobaha caafimaadka ayaa waxa ay sheegeen qaraxyadan inay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaalada magaalada Baydhabo ay caawa ka duwan tahay sidii hore, waxaana hawlgal amni xaqiijin ah wada ciidamada ammaanka.



