Khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka Cadale oo kordhay

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan dagaal beeleed weli ka socda tuulo hoostagta degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, dagaalkaas oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo isku-heysta dhul deegaanada lagu dagaalamayo ku yaalla.

Dagaalka ayaa waxaa uu weli ka socda deegaanka Buurdheere ee duleedka degmada Cadale,waxaana wararka hordhaca ah ee nasoo gaaraya ay sheegayaan in ilaa 20 Ruux ay ku geeriyoodeen  dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Deegaano horleh oo ka tirsan degmada Cadale ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkas uu kusii fiday, iyada oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad ku sugan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho u sheegeen in weli maqlayaan rasaas goos goos ah,isla markaana aysan jirin cid kala dhexgashay.