Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalka Soomaaliya mudo uu ku jiro dagaala sokeeye, hayeeshee aysan weli ogeyn waxyaabaha ay isku dilayaan dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in dhulka Soomaaliyeed uu Eebe ku maneystay Kheyraad balse dadka Soomaaliyeed aysan ogeyn taas oo keentay in mudada intaas la eg ay wada dagaalamaan,iyaga oo ah isku-af isku diin iyo isku-dhaqan intaba.
Ugu dambeyn Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay inay taasul muujiyaan,isla markaana ay ka Shaqeeyaan sidii ay u heli lahaayeen dowladda dhameystiran.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho ku jooga Soomaaliya ayaa la filayaa hadii aysan wax isbedelin in uu tago Magalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah AMISOM.