Kenya ” Waxaan dilnay 15 dagaalame oo Shabaab ah”

Ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa Shaaciyay 15 dagaalame oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab in ay ku dileen dagaal Culus oo Isniintii ka dhacay gobolka Gedo.

Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in dagaalkaasi uu ka dhacay degaanka Katamaa oo 104 KM u jirta sohdinta Kenya  ay la wadaagto Soomaaliya.

Afhayeenka  Ciidanka Kenya ee Joogga Soomaaliya Joseph Owuoth ayaa sheegay in ay ka hortageen Weerar Gaadmo ah oo ay Al-Shabaab ku doonaayeen in ay ku xasuuqaan Ciidamada dowladda Kenya.

Waxaa uu sheegay Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya in uu dhexmaray dagaal Culus ,laakiin aysan jirin Khasaare dhankooda soo gaaray.

Majir wax war oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada dowladda Kenya ee ah in ay dishay xubno ka tirsan Shabaab.

Al-Shabaab ayaa wacad ku maray in ay laba jibaari doonaan weerarada ay ku qaadayaan dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare badan dhaliyay ku qaaday dalka Kenya , tan iyo markii ciidanka dowladda Kenya ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011.