DAAWO: Qoys Soomaaliyeed oo Abaarta darteed u iibiyay Gabadhooda

Abaaraha iyo macluusha ka jirta Geeska Afrika ayaa Qoyska ku qasbay in ay sameeyaan xulasho aan suuragal aheyn, kadib markii ay dhamaadeen xoolihii, ceelkii Tuuladana uu guray ayaa C/qaadir Xuseen waxaa Gabadhiisa Quruxda badan ee 14-sano jirka ah uu siiyay Nin.

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa la kulmay Seynab iyo qoyskeeda, waxana markii dambe sheekadan uu la wadaagay wargeyska International Business Times oo ka soo baxa wadanka Ingiriiska.

Ninka Da’ahaan ka weyn Gabadhan ayaa Kun Dollar oo Sooriyo ah waxa uu siiyay Qoyska, lacagtaasi oo Qoyska gaarsiin kareysay Doolow oo ah magaalo ku taalla xuduudka wadanka Itoobiya, halkaasi oo Hay’adaha gar gaarka cuno iyo biyo ku siinayaan dadka ay saameysay Abaarta.

Seynab ayaa waxa ay diiday guurka ninkan, iyada oo sheegtay in ay jeclaan laheyd in ay dhimato oo ay u baxsato duurka si ay u cunaan Libaaxyada, intii ay raaci laheyd ninka.

XIGASHO:- HCTV