Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhaawacantay dab xooggan oo qabsaday Xero ay degan yihiin dad Qaxooti ah oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Dunkirk ee dalka Faranciiska.
In ka badan 1,500 oo qof oo Kurdiyiin ah ayaa Xeradaasi ku jiray.
Xeradda uu dabku qabsaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Grande-Synthe waxaana goob loogu tala galay in lagu haayo dadka Magan geliye doonka ah inta laga siinaayo Warqadaha ay ku joogayaan dalka Faranciiska.
Mas’uuliyiinta dabdamiska dalkaasi ayaa xaqiijiyay in guud ahaan ay burburtay Xeradaasi oo ka sameysnayd Alwaax iyo Cooshado.
Xeradda ayaa la aaminsan yahay in ay gubeen dadka Qaxooti ah si ay gudaha Magaalada u galaan.



