Kenya oo xirtay xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya

Kenya-RisaalaFM- Dowladda ayaa la sheegay in ay xirtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Beled-xaawo iyo Mandheera.

Ciidamo ka socda dowladda kenya ayaa la dhoobay xuduuda kenya iyo soomaaliya gar ahaan xuduuda Mandheera iyo Beled-xaawo.

Xoghayaha Wasaarada arimaha gudaha dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in derbigan laga dhisayo inta udhaxeysa Mandheera iyo Wajeer, waxaana uu sheegay in uu hoos udhigi doono in laga soo gudbo dhinaca xuduudaha.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in derbigan ay ka dhiseyso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya uu wax badan ka bedeli doono amni darada ka jirta gudaha dalka Kenya.

Xildhibaanka laga soo doortay Mandheera Bilow Keerow ayaa soo dhaweeyay arintan laakiin wuxuu ku dooday in aysan ahaan doonin xalwaara.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay adag tahay talaabadan islamarkaana dhaqaale fara badan uu ku bixi doono in la dhiso derbi gaaraya 200 KM oo kala qeybinaya xuduudaha Labada dal.