Kenya oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan Shabaab

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xuduudka ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya in ay ku dishay Afar qof oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska ayaa sheegay in dilkaasi uu ka dhacay xuduudka ay wadaagaan labada dal ka dib markii dagaalyanadaasi ay doonaayeen in ay weerar kusoo qaadaan ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari.

Isuduwaha Gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Salaax ayaa sheegay in ciidanka  Booliska ay dileen Afar ka mid ah 20 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah kusoo qaadi rabay ciidanka dowladda Kenya.

Maxamuud Saalaax ayaa sidoo kale  sheegay in kooxda lagu eedeeyay qorshaynayay weerar  ay ku qaadaan saldhig ay leeyihiin ciidanka dowladda Kenya oo ku yaalla gobolka Waqooyi Bari , waxaana uu sheegay in ay wateen 4 qori oo ah kuwa fudfudud ayna xirnaayeen Jaakadaha ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya.

Majir wax war oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada dowladda Kenya ee ah in ay dishay xubno ka tirsan Shabaab.

Al-Shabaab ayaa wacad ku maray in ay laba jibaari doonaan weerarada ay ku qaadayaan dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare badan dhaliyay ku qaaday dalka Kenya , tan iyo markii ciidanka dowladda Kenya ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011.