Kenya oo sheegtay in ay dishay Dagaalyahano Shabaab ah

Kenya-RisaalaFM- Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab, kadib howlgal Ciidamada dalka Kenya ay ka sameeyeen degaano ka tirsan dalkaasi.

Ciidamada ayaa sidoo kale intii ay howlgalkan ku guda jireen waxa ay ku soo qabteen saanado ciidan, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Ciidamada dalka Kenya.

David Obonyo oo ah Afhayeenka u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegey in howlgalka oo ka dhacay degaanada Keymaha Boni iyo Bodhey ay ku dileen Shan Dagaalyahan oo ka tirsaneyd ururka Al-Shabab.

Waxa uu Obonyo sidoo kale sheegey in ay ku soo qabteen howlgalkaasi lix qoryaha AK47, 321 rasaas, iyo Saddex bam gacmeedyo.