Faah faahin: Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Qarax xoogan ayaa caawa ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Isbitaalka Digfeer, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Qaraxan oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan ayaa waxaa la sheegay nuuciisa in uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso oo la geliyay wadada dhinaceeda, wararka qaar waxa ay sheegayaan qaraxan in lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo ilaalada Isbitaalka ayaa rasaas u riday Afarta jiho, iyaga oo ku kala eryay shacab halkaasi soo buux dhaafiyay qaraxa kadib.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Risaala waxa ay u sheegeen wax khasaare ah in uusan geysan qaraxan, balse uu ahaa mid si weyn looga maqlay xaafadaha ku yaalla degmada Hodan.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa wada baaritaanada la xiriira qaraxan, iyo dabagalka cidii ka dambeysay.