Cadaado-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta magaaladaasi lagu xiray nin la sheegay in uu yahay Ganacsade.
Ninkan ayaa Ciidamada ammaanka mamulka Galmudug waxa ay ku qabteen Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado, xilli uu ka tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Dad ku sugan magaalada Cadaado ayaa Risaala waxa ay u sheegeen ninka la xiray in lagu magacaabo Liibaan Maxamed Xasan (Liibaan Shuluq), kaasi oo la sheegay in uu la shaqeynaayey siyaasiyiin ku sugan Cadaado oo ka soo horjeeda siyaasadda Madaxweynaha Galmudug.
Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliska Cadaado Cumar Macalin Cali oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in amar lagu siiyay inay xiraan Ganacsade (Liibaan Shuluq) oo horay loo ogaa in uu Cadaado ku wajahnaa.



