Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa la sheegaya in ay burburiyeen xerooyin Shabaab ay ku lahaayeen meel ku dhow degmada Degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo.
Wargeyska ka soo baxa dalka Kenya ee lagu magacaabo The star ayaa ku waramaaya in diyaaradaha dalka Kenya ay fuliyeen howlgal dhanka cirka ah oo khasaaro badan geystay.
Diyaaraha ayaa la sheegaya in ay duqeeyeen meel ku dhow degmada Baled xaawo halkaas oo la sheegay in ay saldhig u aheyd dagaalyahano ka tirsan Shabaab.
Ciidanka dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in ay dileen tiro dagaalyahano ah oo ka tirsan shabaab in kastoo aysan shaacin cadadkooda.
Qeyb ka mid ah dagaalyahanada dhintay ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen duqeyn culus oo ay diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ay la dhaceen.
Ciidanka dowladda Kenya ayaa sheegay in ay iska difaaceen weeraro badan oo ay Shabaab ku soo qaadeen dalka Kenya.
Colonel David Obonyo waa afhayeenka ciidanka dowladda Kenya waxa uu sheegay in ay si wadi doonaan duqeynta ay shabaab la beegsanayaan iyo sidoo kale weerarada tan iyo inta ay Soomaaliya iyo Kenya ay nabad ka noqonayaan.
Xarakada Shabaab ayaa weeraro farabadan ka geystay dalka Kenya tan iyo markii ciidanka dowladda Kenya ay soo galeen Soomaaliya.


