Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dishay Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ka dib howlgal ay ka fulisay degaano ka tirsan gobolka Gedo.
Sarkaal u hadlay ciidamada Difaaca dalka Kenya ayaa sheegay diyaarado Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya inay duqeeyeen Saldhiga Shabaab ee degaanka War-Gaduud oo u dhow degmada Ceelwaaq.
Sarkaalkaasi oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa sheegay in duqeyntii ka dhacday degaanka War-gaduud lagu dilay taliye ku xigeenkii Ciidamada Al-Shabaab ee gobolka Gedo ninka lagu magacaabo Cali Shangalow.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay dileen tiro kale oo Shabaab ah , kuwaa soo ku sugnaa Saldhiga la duqeeyay.
Majirto ilo ka madax banaan Saraakiisha dowladda Kenya oo xaqiijinaya in ciidamada Shabaab oo intaasi la eeg lagu dilay weerarka diyaaradaha Kenya ay fuliyeen degaanka War-gaduud.
Al Shabaab iyo Kenya ayaa dagaal wuxuu ku dhexmaraa inta badan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana adag helida macluumaadka saxda ah ee dagaalka, iyadoo ay sii dheer tahay taasi barobagaandada labada dhinac ay faafiyaan.


