Madaxweynaha maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ahlusunna ay diyaar u tahay in lasii waddo wadahadalada u dhaxeeya Galmudug iyo sidoo kale Ahlusunna.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku dirayso dadka degan gobolada Dhexe .
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Ahlusunna aysan ogolaan doonin in laga jaro dadka kunool gobolada Dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in aysan marin wadadii dowladda ka horaysay.


