Kenya oo Shaacisay Dalalka ay u dhasheen Raggii Weeraray degaanka Kulbiyow

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Weerarada Al-Shabaab ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada dowladda Kenya ay ku leeyihiin Gudaha Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan dhalinyaro u dhashay Kenya oo ku biiray Al-Shabaab.

Waxaa ay dowladda Kenya ay sidoo kale sheegtay in Weerarkii  lagu qaaday Saldhiga Ciidanka dowladda Kenya ee degaanka Kulbiyow ay ka qeyb qaateen dagaalyahano ku jira Al-Shabaab oo kasoo kala jeedda dalalka Kenya iyo sidoo kale Tanzania.

Weerarka oo Qaraxyo loo adeegsaday ayay dowladda Kenya ay sheegtay in ay fuliyeen dhalinyaro Kenyaan ah , islamarkaana ka dib ay dagaal toos ah ay bilaabeen dagaalyahanada Soomaalida.

Sida laga soo xiganayo Hay’adda Ammaanka dowladda Kenya dagaalkii Kulbiyow Waxaa ka qeyb qaatay in ka badan 500 oo Askari oo Shabaab ka tirsan , waxaana badankood ay kasoo jeedaan dalalka Kenya iyo Tanzania.

” Qof kii ugu horeeyay ee waday Gaarigii lagu Qarxiyay Saldhiga ciidanka , waxaana uu ku hadlaayay luqadda Sawaaxiga ee looga hado Kenya” Sidaas waxaa yiri Afhayeen u hadlay Kenya.

Al-Shabaab ayaa Jimichii lasoo dhaafay waxaa ay weerar xoogan ay ku qaadeen degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay sheegeen in ay halkaasi ay dileen tiro ka mid ah ciidanka dowladda Kenya.