Kenya oo loogu baaqay iney feejignaan ka gasho Al-shabaab

Sanad ayaa kasoo wareegatay markii Alshabaab weerar ay ku dileen 147 ruux ay ku qaadeen jaamacada magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, laakiin dowlada Kenya ayaa sheegtay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah oo laga galo weerarada Alshabaab.

Qabiiro dhanka amaanka ah oo la hadlay wakaalada Wararka ee Xinhua ayaa sheegay in Kenya looga baahan yahay iney sameyso wax ka duwan waxii hore oo ay ku xaqiijineyso amaanka guud ahaan ee dalka Kenya.

Kabtan Werunga Simiyu, oo ka tirsan hayada latalinta amaanka ee saldhigeeda yahay magaalada Nairobi ayaa sheegay in Kenya ay wax badan ka baratay weeraradii Alshabaab ay ka geysteen Gaarisa gaar ahaan jaamacada magaalada Gaarisa.

“Waxaan casharo badan ka baranay weerarkii Gaarisa iyo sida looga jawaabay, si kastaba waxaan u baahanahay inaan sameyno feejignaan dheeri ah oo ka dhan ah Alshabaab, waxaa kale oo loo baahan yahay in kor loo qaado amaanka goobaha rayidka oo la beegsan karo, sida Iskuulada, Suuqyada iyo xaafadaha”ayuu yiri Simiyu.

Qabiirkaan ayaa sidoo kale soo jeediyay in qalabeyn lagu sameeyo ciidamada, tababaro kale oo la siiyo booliska iyo diyaaradaha wax basaasa iney wax badan ka badali laheyd amaanka dalka Kenya.

“Siyaasadeena la dagaalanka Alshabaab waxay u baahan yahay xoogaa in wax laga badalo, waxaa qasab ah inaan horumarino xog ururinta dhanka sirdoonka, oo aan cashar ka qaadanaa Ethiopia, Uganda iyo Tanzania, siday u maalgeliyeen siyaasada dadweynaha”ayuu hadalkiisa kusii daray Simiyu.