SAWIRO: Wabiga Shabeele oo biyo keenay & Shacab ku farxay

Biyaha wabiga Shabeele oo ay ku tiirsan yihiin kumanaan ruux ayaa guray bishii hore ee Maarso, waxaana saameyntiisa durba laga dareemay gobolada Hiiraan , Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Dadka ku nool goboladaasi ayaa ka faa’ideysta biyaha wabiga Shabeelle, iyaga oo u adeegsada waraabka wax soo saarka beerahooda, halka deegaano badan oo hareeraha wabiga ku yaala dadka ku nool ay cabaan biyaha wabiga, maadaama aysan laheyn ceel biyoodyo.

Hadda waxaa la dareemayaa inuu biyo keenay wabiga Shabeelle, oo sawiro laga soo qaaday wabiga ayaa muujinayay inuu biyo keenay.

Waxaa la arkayay dadweyne badan oo biyaha sida wafdiga usoo dhaweynayay, sababtoo ah waxay badankood ahaayeen kuwo waligood aan arag wabiga Shabeele oo biyo guray bacaadkana gaadiidka marayaan.

Qaar kamid ah dadka biyaha wabiga Shabeele arkay ayaa laga dheehanayay farxad badan oo ay kusoo dhaweynayaan, maadaama biyaha ay yihiin aasaaska nolosha.

Waxyaabihii ka dhashay markii biyaha wabiga la waayay waxaa kamid ahaa xanuunka shubanka, oo caruur badan u dhinteen dad kale oo badanna loo dhigay xarumaha caafimaadka.

Wabiga Shabele oo ka yimaada dhanka dalka Ethiopia ayaa la aamisan yahay in biyo xeroono lagu sameeyay, taasi oo sababtay in biyaha wabiga la waayo inka badan 20 sano kadib.

12936619_10208992286834574_576574939081289687_n

7 6 5 4 3 2 1