Kenya oo lagu wareejiyay Haweeneydii la soo bad baadiyay

Cadaado-RisaalaFM- Ciidamada Maamulka Galmudug oo habeen hore soo bad baadiyay Haweeney u dhalatay Dalka Kenya, oo mudo 8 bilood ah gacanta ugu jirtay koox Burcad badeed ah ayaa waxaa maanta suuragashay in Maamulka Galmudug uu Haweeneydaasi ku wareejiyo Dowladda Kenya.

Safiir ku xigeenka Kenya ee u fadhiya Soomaaliya oo tagay Magaalada Cadaado ayaa waxa uu la wareegay Haweeneydaasi 41 sano jirka ah una dhalatay Dalka Kenya, taasi oo Ciidanka Nabad sugidda Galmudug ay ku soo bandhigeen Magaalada Cadaado.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu dadaal badan ku bixiyay sidii ay u soo furan lahaayeen Haweeneydaasi oo mudo fog gacanta ugu jirtay koox Burcad badeed ah.

Safiir ku xigeenka Kenya ee u fadhiya Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay talaabada Maamulka Galmudug uu ku soo bad baadiyay Haweeneydaasi.

Loise Weru oo ah Haweeneyda la soo bad baadiyay ayaa isla maanta waxaa loo duuliyay Dalka Kenya, iyadoo ay ka muuqato farxad aan la qiyaasi karin.