Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa wuxuu ka hadlay Maqaamka Gobolka Banaadir uu ku leeyahay Dowladda cusub.
Wuxuu sheegay in aan wax la aqbali karin ay tahay in la waayo xuquuda Gobolka Banaadir, taasina aysan suuragal aheyn, oo dadaalkasta ay ku bixinayaan sidii Gobolka Banaadir uu ku heli lahaa xuquuqdiisa.
Yuusuf Xuseen Jimcaale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale wuxuu sheegay Maamulada kale ee Dalka ka jira in ay heleen xuquuq qorsheysan oo ku filan, welina Gobolka Banaadir uusan helin Maqaamkiisa.
Wuxuu sheegay arrintan in ay tahay mid cadaalad daro ah, taas oo laga galayo Bulshada Saddexda Milyan ee ku nool Magaalada Muqdisho.
Gudoomiye Yuusuf ayaa ugu dambeyn Hay’adaha Caalamka waxa uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii Gobolka Banaadir uu ku heli lahaa Maqaamka uu xaqa u lahaa.
Hadalkan ayuu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxa uu ka sheegay Munaasabad looga hadlayay Mashruucyada hormarineed ee ka socda Magaalada Muqdisho.


