Dhawaan madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa codsi u diray golaha ammaanka Qaramada Midoobe kasoo ku aadana in howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya loo wareejiyo Qaramada Midoobe in ay maamusho.
AMSIOM waxaa maamulo Midowga Afrika waxaana dowladda Kenya ay rabtaa in laga wareejiyo Midowga Afrika loona wareejiyo Qaramada Midoobe.
Kulan ay yeesheen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayay gaashaanka u daruureen rajada dowladda Kenya ee ah in ay qaramada Midoobe ay maamusho ciidanka AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.
Dhawaan kulan dhexmaray madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru kenyatta iyo sidoo kale xoghayaha guud Qaramada Midoobe Banki Moon ayaa dowladda Kenya ku codsatay in qaramada Midobee lagu wareejiyo howlgalka AMSIOM .
Dowladda Kenya ayaa ka mid ah dowladdaha ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya,waxaana marar badan dhacday in ay ku hanjabto in ay ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya.


