Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowladda Kenya ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay furto xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay isku gudbaan ganacsiga iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqa xorta ah.
Xildhibaanka laga soo doorto Bariga magaalada Wajeer Cabaas Sheikh Mohamed ayaa ka mid ah xildhibaanada dowladda Kenya ugu baaqay in ay in dib u furto xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, si uu dib ugu soo laabto ganacsiga ka dhaxeeyay bulshada Kunool dalka Kenya iyo sidoo kale bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan degmooyinka xuduudka la leh dalka Kenya.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay xiritaanka xuduudka ay wadaagaan labada dal in aysan joojin karin weerarada joogtada ah oo ay Al-Shabaab ka geystaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Waxa uu sheegay tan iyo markii ay timid xiritaanka xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya in uu cuuryamay ganacsigii ka dhaxeeyay labada dal.
Ururka Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya , tan iyo markii bishii October ee sanadkii 2011 ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya ciidanka dowladda Kenya.


