Kenya oo Kumanaan Qaxooti ah dib ugu soo celineysa Soomaaliya

Nairobi-RisaalaFM- Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiis ka gaaray  dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadaab,taasoo loo marayo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhaxeeya labada dowladood iyo Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Adduunka ee UNHCR.

Kulan saddex geesood ah oo ay magaalada Nairobi ku yeesheen Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Dr. Cabdisalaan Cumar Hadliye, dhiggiisa Kenya Aamina Maxamed Jibriil iyo madaxa Hey’adda Qaxootiga Adduunka ,Filippo Grandi, ayaa laga soo saaray in Bisha Decembar ee sanadkan dib loogu celiyo Soomaaliya 150 kun oo Qaxootigaasi ka mid ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay in illaa iyo haatan ay si iskood ah dib ugu laabteen Soomaaliya Qaxooti gaaraya 16,000,taasoo loo maray heshiiska ay labada dowladood iyo Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa wada gaareen.

Horraantii Bishan ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tegey xeryaha Dhadhaab oo ay ku jiraan dad ka badan 350,000 qof oo Soomaali ah.