Ilaha Sirdoonka dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan Weeraro ay ka geystaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka iyo sidoo kale degaanada ku yaalla xeebaha Kenya.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha dalka Kenya ayaa Wargeyska the Star u sheegay in ciidamada Ammaanka heegan buuxa la geliyay Cabsi laga qabo Weeraro.
Waxaa uu sheegay in ay suurtagal tahay in ay doonaayaan in Weeraro Khasaare badan geysta in ay ku qaadaan qeybo ka mid ah dalka Kenya.
Sarkaalkaasi ayaa xusay in cabsida ugu badan ay taagan tahay Magaalada Mandera iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhibaato weyn ay heysato dadweynaha isticmaalaya Wadooyinka gobolka Waqooyi Bari,Maadaama Al-Shabaab ay bilaabeen in ay baabuurta Afduubtaan.
Al-Shabaab ayaa dhowr gaari oo qaarkood ay yihiin kuwii Ololaha Xisbiga Jubilee kasoo Afduubtay gudaha dalkaasi.


