Kenya oo Beesha Caalamka ka dalbatay in la sii wado howlgalka AMISOM

Aamina Maxamed oo ah Wasiirada Arimaha Dibadda  Kenya oo  Khudbad  ka jeedinaysay  kulanka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa   Beesha Caalamka ka dalbatay in la sii labo jibaaro dhaqaalaha la siinayo ciidanka Midowga Afrika ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Aamina ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in lasii dardar geliyo ciidanka AMISOM Si ay Soomaaliya u gaarto nabad iyo horumar.

Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay hadii la doonayo nabadda Soomaaliya inay muhiim tahay sii wadista taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, xilli Midowga Yurub uu jartay dhaqaalo uu ku bixin jiray AMISOM.

 

Tan iyo markii Ururka Midowga Yurub uu ku dhawaaqay in uu jaray  20%  qarashaadkii uu siin jiray Ciidamada AMISOM , waxaa soo baxayey cabashooyin  weyn oo ka imaanayay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dalalkaasi ayaa ku dhawaaqay in ay Soomaaliya kala baxayaan ciidamadooda hadii aan la kordhin taageerida AMISOM.