Kenya iyo QM oo ka wada hadlaya arimaha Qaxootiga Soomaaliya

Kenya-RisaalaFM- Kulanka ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa looga hadlayaa arimaha Qaxootiga Soomaaliya iyo waliba go’aanka ay Kenya ku dooneyso in ay ku xirto xeryaha qaxootiga ee ku yaalla Kenya.

Waxaa sidoo kale kulankan lagu soo qaadayaa howlgalka ka socda Soomaaliya ee AMISOM oo ay ciidamada kaga joogaan dalalka ku yaalla geeska Africa.

Waxaa lagu wadaa Madaxweynaha Kenya in Golaha Amaanka ee Q.M uu hordhigo qorshaha ay Kenya ku dooneyso in ay ku xirto xeryaha Dhadhaab.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in Kenya ay amni daro ka dareemeyso xeryaha Qaxootiga taasina ay dadejineyso in gabi ahaanba ay xirto xeryaha Qaxootiga.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Xoghayaha Guud ee Q.M Mr.Bankimoon uu ku dhawaaqay in dowladda Kenya aysan ku fududaan go’aanka ay qaadatay.