Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inuu furo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo shalay dib u dhacay ka dib markii uu shalay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusman Jawaari uu sheegay in aan la furi karin hadii maqanyahay madexweynaha ,waxuuna shalay u sheegay mudanayaasha in uu mashquulsanyahay madexweyne xasan sheekh.
lakiin maanta ayaa lagu wadaa in uu furo madexweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana hada ku sii qulqulayaya xarunta golaha shacabka mudanyaal katirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Qodobka mid ah dastuurka dalk ayaa qoraya in madexweynaha Soomaaliya uu furi karo kala fadhiga baarlamaanka Soomaaliya.


