Juventus oo war ka soo saartay dhaawacyada ciyaartoydeeda

Juventus ayaa halis ugu jirta inay dhaawac ku weyso gool-dhaliyaheeda Paulo Dybala,kulanka Derby della Mole ee Torino, walow uu Khamiistii tababar sameeyay da’yarkan.

22 jirkan reer Argentine ayaa dhaawac ku seegay kulankii Champions League-ga ee ay Juventus guul-darradaii xanuunka badneydkala kulantay Bayern Munich.

Dybala ayaa laga yabaa inuu seego kulanka Axadda ee Torino, waxaase xusid mudan in lagu arkay xarunta tababarka kooxda ee Vinovo.

“Tababar ka gooni ah kooxda ayuu sameeyay Paulo Dybala,si tartiib tartiib ah ayayna u soo hagaageysaa xaaladdiisa” sidaa waxaa lagu yiri war ka soo baxay Bianconeri .

Sida la filayay, Giorgio Chiellini iyo Claudio Marchisio ayaan diyaar u noqon doonin kulanka Granata, laakiin waxay fursad u heystaan inay dheelaan kulanka kan ka dambeeya ee Empoli ee isbuuca 31,-aad.