Massimiliano Allegri ayaa loogu abaalgudi doonaa heshiis cusub todobaadka soo socda, ka dib markii uu ku hogaamiyay Juventus inay ku guuleystaan Serie A ,sida uu xaqiijiyay agaasimaha kooxdan Giuseppe Marotta.
Juve ayaa loo caleemo saaray horyaalka Serie A markii shanaad oo isku xigta shalay, markii Roma 1-0 ay kaga badisay kooxda kaalinta labaad ee Napoli.
Natiijadan ayaa ka dhigtey Juve 12 dhibcood oo nadiif ah in ay ku hogaamiso Horyaalka oo seddex kulan kaliya ay ka hartay, Allegri ayaana koobkiisii labaad ee Serie A kula guuleystay kooxdan tan iyo markii uu bedelay
Allegri ayaa sidoo kale Juve xilli ciyaareedkii hore geeyay finalka Champions League waxaana loo kordhin doonaa heshiikiisa, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu ku egyahay sanadka soo socda.


