DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo dagaalkii ka dhacay duleedka Beydhabo

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Bay ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab ayaa waxa ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig ay ciidanka dowladda Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Daynuunay oo ku yaalla duleedka magaalada Beydhabo.

Waxaana dagaalka halkaasi ka dhacay uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidanka dowladda dagaalkaasi khasaare lagu gaarsiiyay maadaama xilliga uu dagaalka dhacayay ay aroor hore aheyd ciidankana ay intooda badan jiifeen.

Abaanduulaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Ismaaciil Khaliif Shire oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu jiro kooxihii weerarka soo qaadeyna ay iskaacibiyeen.

Ururka Al-shabaab ayaa ilaaiyo hada waxa aysan ka hadlin dagaalkan xoogan oo saakay ay ku qaadeen deegaanka Daynuunay ee gobolka Bay.